Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa?
Xanuunka sokorta ama macaanka waa waa xaalad qofka noloshiisa daba socota waxaana sanad walba u dhinta in ka badan hal milyan oo qof – qof walba ayuuna ku dhici karaa.
Waxaa sababa marka jirku uusan burburin karin dhammaanta sokorta (glucose) ee dhiigga raacsan; waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mid ah wadno xanuun, wadno istaag, indhi beel, kilyaha oo howlgab noqda iyo qaarka dambe oo qofku howlgab ka noqdo.
Waana dhibaato – Qiyaastoo 422 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka – waana tiro afar jeer ka badan intii ay ahayd 40 sano kahor, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Marka laga soo tago khataraha, kala bar dadka qaba xanuunka macaanka ma oga inay qabaan.
Balse isbeddel lagu sameeyo hab-nololeedka ayaa ka hortagi karta xaalado badan oo xanuunka ka mid ah. Waana kuwan siyaabaha aad uga hortagi karto:
Maxaa sababa xanuunka macaanka?
Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan.
Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato.

Waa maxay noocyada xanuunka macaanka?
Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah.
Nooca 1 ee macaanka, beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.
Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka.
Nooca 2 ee macaanka, beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay.

Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da’ dhexaadka ah amaba dadka waaweyn, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya.
Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba.
Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6 ilaa 16 boqolkiiba haweenka uurka leh uu la soo derso noocan xanuunka macaanka ah. Waxaa laga doonayaa inay xakameeyaan heerka sokorta jirkooda iyagoo ilaalinaya cuntada ay cunaan, sameynaya jimicsi.
Waxay sidoo kale dadka qaar la kulmi karaan nooca pre-diabetes – oo ah xaalad sababeysa inuu kordho heerka glucose ee jirka taas oo sababi karta xanuunka macaanka.