Taariikh Nololeedka: Dr. Caawiye
Magaca: Dr. Jaamac Xaashi Jimcaale (Dr. Caawiye)
Goobta Dhalashada: Magaalada Kismaayo, Somaliya
Sanadka Dhalashada: 1978
Carruurnimada iyo Waxbarashada Hore
Dr. Jaamac Xaashi Jimcaale wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadkii 1978. Intii uu yaraa, qoyskiisu waxay u guureen caasimadda Muqdisho halkaas oo uu ku soo barbaaray. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay dugsiga caanka ah ee Shiikh Xasan Barsame ee magaalada Muqdisho.
Sanad dugsiyeedkii 2001 ilaa 2002
Waxbarashada Jaamacadeed
Dr. Jaamac wuxuu bilaabay waxbarashadiisii jaamacadeed isagoo iska diiwaangeliyay Jaamacadda Al-Hilaal University. Waxa uu ka bartay cilmiga baaritaanka sheybaarka (Laboratory Technology) waxaana uu ka qaatay shahaadada Diploma Laboratory intii u dhaxeysay sanadihii 2010 ilaa 2011.
Sidoo kale, Dr. Jaamac Xaashi Jimcaale wuxuu markale kusoo laabtay Jaamacadda Al-Hilaal, sanadkii 2018 halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Bachelor-ka Medicine & Sergure sanad dugsiyeedkii 2023-2024.
Aas aaska caawiye medical center
Waxaa la aas aasay sanadkii 2003 Bishii Lixaad Dr. Jaamac wuxuu aas aasay Caawiye Medical Center, xarun caafimaad oo bixisa adeegyo caafimaad oo dhamaystiran. Xaruntan waxaa ka howlgala dhaqaatiir iyo khubaro caafimaad oo tiro badan oo si hufan u gudanaya waajibaadkooda.
Dr jaamac waxa uu ahaa maamulka sare ee Caawiye Medical Center, .
Waxbarasho Dheeraad ah iyo Khibrado Caalami ah
Intii uu ku jiray dadaalka kor u qaadista xirfadiisa:
Dr. Jaamac waxa uu sidoo kale wax ka bartay Jaamacadda Salaam University, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Pharmacology sanad dugsiyeedkii 2022-2023.
Waxa uu sidoo kale waayo-aragnimo dheeraad ah ka helay dalal kala duwan, isagoo ka faa’iideystay tababaro iyo waayo-aragnimo caafimaad oo caalami ah.
Waxaa intaas dheer in Dr. Jaamac uu wax ku soo bartay Isbitaalka Hamar Diagnostic Center halkaas oo uu ka qaatay Diploma Ultrasound sanadkii 2020
sidookale wuxuu intarshiib ku qaatay, isbitaalaka Masaarida ee muqdisho, Banaadir hospital, Madiina hosbitaal
Waxaa lasiiyey lesinka dhaqtarnimada sanadkii 2024 desenbar 5teedii, kadib waxa uu noqday Dhaqtarka rasmiga ah ee ka howlgala Caawiye Medical Center.
Dr. Jaamac Xaashi Jimcaale oo loo yaqaano Dr. Caawiye waa dhaqtar ku taqasusay Cudurada Guud.
Dr. Jaamac Xaashi Jimcaale waa dhakhtar leh aqoon,iyo khibrad iyo go’aan adag oo ku aaddan horumarinta caafimaadka Soomaaliya. Dadaalkiisa, kartidiisa, iyo hal-abuurkiisa ayaa ka dhigay mid ka mid ah hormuudka caafimaadka ee dalka.